20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

C/kariim Guuleed oo la kulmey safiir ku xigeenka Maraykanka loona sheegay buuqa jooji raalina ahow: SAWIRO

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa la kulmay madax ka socota Dowlada Mareykanka kadib duqeyntii shalay ka dhacday deegaan ka tirsan Mudug. Cabdikariin ayaa la kulmay Safiir ku xigeenka Mareykanka ee Somaliya iyagoo ka wada hadlay Duqeynta lagu Dilay Ciidanka Galmudug Kulankaasi oo Muqdisho ka dhacay.

C/kariim Guuleed ayaa Maraykanku u sheegay in uu yimaado Muqdisho si looga hadlo arimaha Duqeynta waxana ay sheegeen in Baaritaan uu ku socdo Duqeynta Dhacday. Waxaa kaloo lagala Hadlay in ay sii socon karto wada Shaqeynta Mareykanka iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Xiisada duqeynta ayaa isku dirtey maamulada Puntland iyio Galmudug halka C/kariim Guuleed ku hanjabay in uu xirayo garoonka Gaallkacayo. C/kariim Guuleed ayayna wax kale u furmey in uu qaato amarka mooyee.

02-17-640x360[1]03-15-640x360[1]

 

05-10 03-15 02-17 01-14