12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

C/kariim Xuseen Guuleed oo ku guuleystay maamulka Galmudug ee muranku ka taagan yahay+FAALADA

Cadaado–Maamulka muranku ka taagan yahay ee gobolada dhexe ee loogu magac daray Galmudug ayaa maanta lagu kala baxay doorashada waxana sagaal cod ku helay musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo ka adkaaday Axmed Macalin Fiqi oo isagu helay 40 cod. Doorashadan ayaan waxba u soo kordhineyn shacabka degan goboladaas aanan ka ahayn magac ay helaan kuwa la doortey oo ka mida jufo Hawiye ah.

Dhinaca kale waxa iyana la doortey madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ee gobolada dhexe oo uu ku guulaystay Maxamed Cabdi Xaashi oo helay 40 cod.

Maamulkan ayaan loo dhanayn iyadoo ururka xooga weyn ee Ahlu Sunna ay iyagu xukumaan caasimada gobolka ee Dhuusamareeb iyagoo halkaasi ku doortey madaxweyne ay iyagu leeyihiin.

C/kariim Xuseen Guuleed oo lagu yaqaano habacsanaan ayaan tagi karin Dhuusamareeb oo ah magaalo ay degan yihiin qabiilo isku dhafan una badan Hawiye, Mareexaan, Dir iyo beelaha shanaad.

Dadka deegaanka ayaan war u hayn doorashadan socota iyadoo gobolku yahay kan ugu liita gobolada Somaliya dhinacwalba oo ayna ka jirin haba yaraatee wax horusocod ah.

Waxase dad badan eegayaan sida loo xalin karo muranka ka dhashay xaga maamulka oo ilaa hadda uu ku guuldaraystay in uu xaliyo Xasan Sheekh isagoo raacsan kan uu wato nin ay saaxib yihiin isku urur diimeedna yihiin ee maanta la doortey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM