Wararka aan kahelnay Galmudug ayaa xaqiijiyay in madaxweynihii maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed uu iska casiley xilkii uu u hayay maamulkaasi.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa u qornaa in xaalad caafimaad kadib uuna sii wadi Karin jagada uu hayo ee madaxweynaha uuna talo sidaasa ka helay dhaqtarkiisa.
C/kariin Guuleed baryihii ugu dambeeyey waxa hayey xanuun dhanka wadnaha ah, iyadoo la saadaalinayey inuu is casili doono balse maanta ay dhacday.
C/kariin ayaa xildhibaanada maamulkaasi moodhin ka keeneen inkastoo muran ka taagnaa in xilka laga qaadey iyo in kale.
Maamul goboleedyada ayaan wax hawla u qaban dadka aan ka ahayn in ay fuuqsadaan lacagtii dadka loogu adeegi lahaa mana jiro dawlad ilaa hadda ka hortageysa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS