Codbixin laga qaaday dadka Maraykanka oo la sii daayay ayaa lagu ogaaday cabsida ay ka qabaan dagaal ay la galaan Ruushka. Dagaal ay la galaan Ruushka iskaba dhaafe waxayba dalbadeen inay ka baxaan ururka NAATO ee Maraykanku kaabah ka yahay.
Boqolkiiba 65 waxay qabaan in ciidan Maraykana oo loo diro Yukarayn inay tahay khalad aadu weyn halka 23 boqolkiiba ayna hubin halka boqolkiiba 12 ay qabaan in ciidan Yurub loo diro laakiin aan la geyn Yukarayn.
Badankoodu maba yaqaanaan Yukarayn laakiin markay maqlaan Ruushka, waxay dareemaan inayn aguul marnaba soo hoynayn inay ku gubtaan mooyee.
Codbixintan ayaa imaanaysa xilli Maraykanku muddo laba bilood waday in Ruushku galayo Yukarayn halka Yukarayn oo cadhaysan ay codsatey inuu la wadaago xogta ku saabsan inuu usbuucan qabsanayo dalkeeda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay