X

Codsiga baasaboor Somaliga oo muddo dib loo dhigey

Hay’adaha jinsiyadaha iyo socdaalka ee Somliye ayaa muddo kooban dib u dhigtey codsiga qaadashada baasaboor Somaliga. Hay’adaha oo ka duuleysa hargabka Karoone ee soo kordhey ayaa dib loo dhigey codsiga baasaboor Somaliga.


Baasaboor Somaliga ayaa hadda ka mida baasaboorada laysku halayn karo aduunka ayadoo la adkeeyay qaadashadiisa iyo weliba dhinaca adeega.


”Khatarta Caabuqa Karoona oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.