X

Dadka reer Butlaan oo dulqaadkii ka dhamaaday iyo kacdoon ka bilowday

Waxa baryahanba maamulka Butlaan ka socda is abaabul ay wadaan dadka deegaanada Butlaan kaas oo khaati looga taagan yahay horjooge Siciid Deni oo isku haysta inuu haysto taageerada dawlad diidnimada ee wado.


”Dadweynaha ayaa aad u caraysan waxayna dareensan yihiin inuu kursiga ku fadhiyo shaqsi aan matali karin masayrkooda oo gaalo daba socda, haddana dadka dulqaadkii ayaa ka dhamaaday ayuu yiri Cumar C/llaahi oo ku nool Garoowe.

Horjooge Siciid Deni ayaa la filayaa inuu rasaas ku furo dadka caraysan ee taageerada u haya dawladooda iyo madaxweyne Farmaajo. Doorashada dalka ayaau cakiran Kiiniya iy Imaaraadka.


Dhawaan ayaa horjooge Siciid DEni caayay caqliga reer Butlaan markii uu yiri sheekadaba waxay noqotey Daarood is haya taas oo aan ka turjumeyn xaqiiqada jirta ayuu raaciyay Cumar C/llaahi.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sdoo werinayaa in horjooge Siciid Deni isku dayayo inuu joojiyo kacdoonka bilowday oo aakhirka ugu iman doona guriga uu fadhiyo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.