X

C/raxmaan Saylici oo ogaa in dhulka laga dhisayo guriga martida uu lahaa nin koriinkiisa wax ku lahaa: ARAG maantana

Sidaan daawaney daraad C/raxmaan Saylici oo dhagax dhigeya hanti ninkeedii muddo yar mootan yahay oo wali xataa aboorkii taaban. Sida ay sheegeen dadkii isku yaqaanay Xaaji Maxamud Wacays (Dhegjar) wuxuu wax ku lahaa koriinta C/raxmaan Saylici si ay noqotaba (eeg muuqaalka hoose) maantana wuxuu ugu abaalgudey isagoo og in uu dhulkiisii ka dhigto guri uu Siilaanyo ku soo hoydo ama madaxda kale ee Hargeysa ka imanaysa.

Waxaanse is waydinayaa isagoo sidaa u og in ninka dhulka leh maalin dhowna uu geeriyoodey hadana uu wax ku lahaa noloshiisa si ay noqotaba uu hadana goobta ka yiraahdo dhulkii ayaa la sheeganayaa isagoo dhulkaas ku sheegay mid uu ku ciyaari jiray. Wuxuu dhinaca kale raaligelinayaa suldaanka Reer Maxamed oo iyagu sheegtay 60 mitir oo kaliya. ARAG muuqaalka hoose.

Iima cadda in Saylici is yeelyeelayo iyo in been loo sheegay oo la yiri waxkasta waa caadi. Waxaa kaliya oo aan ku soo xiri karaa qormadan gaaban waxa jirta sun walaaqan oo u baahan in ay qaraxdo ama la rabo in la qarxiyo iyo xoolaha masaakiinta oo lacagna laga cuno laguna sheego ardiyo hadana sidii la doono laga yeelayo. Malaha markan hadaanan qaldanayn waa cida ay ku qaraxdo suntaasi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

 

admin:

This website uses cookies.