X

C/raxmaan Saylici oo shil ku galay meel u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera iyo lix qof oo dhaawaca

Hargeysa 27 Nov 2014–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa shil ku galay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Burco waxana shilkaasi ku dhaawacmay ilaa lix qof oo isaga la socday. Saylici ayaa la sheegayaa in aan wax sidaasa soo gaadhin.

Shilkan Baabuur ee ay lixda qof ku dhaawacmeen, ayaa yimi ka dib markii ay isku dhaceen gaadhi Shiciba iyo mid ka mid ah Gaadiid Kolonyo ah oo uu la socday Cabdiraxmaan (Saylici) oo ku socday Burco.

Dadka dhaawacmay ayaa waxa ku jira wiil u dhalay C/raxmaan Saylici oo lagu magacaabo Axmed C/raxmaan Saylici. Waxa kale oo iyaguna dhaaweac culus soo gaadhay laba shicib ah oo la socday gaadhiga kale ee ay isku dhaceen.

Saylici ayaa hore u sii socday halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaalada Hargeysa.

Maxamed Yuusuf, Hargeysa

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.