Cuqaal saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xanuun ayna garanayn uu baryahanba dad badan iyo xoolaba ku laayay deegaanada bariga Berbera oo cabashada marhore gudbiyeen laakiin aan cidina dheg jalaq u siin.
Waxay sheegeen in gudoomiyuhu uu fadhiid yahay oo uuna gudbin warbixinta gobolka. Mid ka mida dadka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in cudurka dadka uga imanayo xoolaha ayna dhinteen xoolo badan.
Dhimashada dadka ayaa gaartey 8 qof oo la aaminsan yahay in xanuunka uga soo gudbey xoolaha ay cuneen ama caanahooda cabeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay