X

Cudur hore looga helay Kiiniya iyo Yugaandha oo ka dilaacay Gini

Cudurkan oo la yiraa Maar waxay ilma adeer yihiin cudurka halista ah ee Iboola ee hore uga dilaacay galbeedka Afrika siiba wadamada Gini, Siiraliyoon iyo Laybeeriya. Cudurkan oo halis ah ayaa laga helay hal nin oo markii dambe u dhintey.


Cudurkan oo leh calaamadaha Iboola ayaa wax u dila sida Iboolaha. Wuxuu hore ugu dhacay Kiiniya iyo Yugaandha oo labadaba ay ciidamo ka joogaan Koofurta dalkeena.


Ururka caafimaadka aduunka ayaa sheegay inay muhiim tahay in cudurka halkiisa lagu xanibo inta aanu ku sii fidin wadamada jaarka ama isla Gini dhexdeeda.

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa hadda xooga saaraya in si degdega loo helo raadkii ninkaa dhintey si ayna dadkale u saamayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.