X

Uhuru oo degdeg ugu yeeray Maxamed Xuseen Rooble muxuuse u sheegayaa

Kadib shirkii wasiirka koowaad ku tagay London ee uu kula kulmay madaxweynaha Kiiniya garwadeena ay ka ahaayeen Ingiriisku waxa jirey balanqaadyo uu soo saxiixay oo shaqsi ahaa ayna ku jirtey dacwada badda iyo qaadka.

Kulankaa waxa xigey kulan fashilmay oo Uhuru uu soo direy wasriikiisa arimaha dibedda oo cadho kaga dhooftey Muqdisho. Waxaad is weydiin kartaa degdega uu Uhuru ugu yeeray Maxamed Xuseen Rooble oo taariikhda ku galay ninkii ugu horeeyay ee la iibsado.


”Kulanka Uhuru iyo raiisal wasaarahan lagu qasaaray wuxuu noqonayaa mid uu si shaqsiya gorgortan ugala galayo lacagihii loo balanqaaday ee Ingiriisku garwadeenka ka ahaa oo welli la soo shubin iyo waxa hadda wixii ka dambeeya la yeelayo ayuu yiri Cali Calasow.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sharcigu siinayaa inuu eryi karo, haddana wuxuu ku jiraa qiyaano qaran maadaama uu dhinac maray siyaasada dalka u degsan ee ah in halmeel laga hago siiba Kiiniya laakiin hadda uu ka dhigey mid qabiil.


Maxaa kala soo noqon karaa Uhuru

U malayn maayo inuu wax kala soo noqonayo waa hadduu nasiib leeyahay oo shilimaadkii loo balan qaaday wax lagu soo tuuro ayuu raaciyay Cali Calasow. Ma soo fasixi karaa qaadka laga yaabe haddii la siiyo shilimaadkii loo balan qaaday.


Raiisal wasaare Maxamed Xusen Rooble ayaa loo sheegay inuu ciyaaro kaadhka qabiilka ayadoo xagga dambana ay ka joogaan kooxda Xalane. Waxana lagu dhiirigeliyay adaa awooda leh sidaa rabto ugu tumo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.