X

Cudur kale oo halisa oo ka dilaacay Gaana

Ururka caafimaadka adduunka ayaa xaqiijay in cudur kale oo halisa uu ka dilaacay dalkaasi Gaana. Cudurkan oo la calaamado ah cudurka Iboola ayaa laga helay laba qof bishii hore khaasatan Koofurta dalkaasi.


Labadaan qof ayaa lahaa calaamadaha shuban, xumad, wareer and xungaco, waxayna dhinteen maalin kadib loola cararay isbitaalka.  Da’ da labadaan qof ayaa lagu sheegay 24 Jir iyo 51 Jir.

Waa markii ugu horeysay oo cudurkan laga helo galbeedka Afrika ayadoo markii ugu horeysay laga helay Jarmalkii galbeed sanadii 1967. Ururka caafimaadka adduunka oo tagay goobta xanuunku ka qarxay ayaa siiyay talooyin caafimaad oo dhimaya faafida cudurkan.


” Waxa dadka loo sheegay inay ka fogaadaan hogaga ay ku nool yihiin fiidmeerta iyo duurjoogta kale iyo dhamaan hilibka oo dhan si aada la isaga kariyo. Wadamada galbeedka Afrika ayaa aad looga cunaa duurjoogta oo uu ku jiro daanyeerka.



Waxa nasiib daro in Muqdisho ay joogaan askar u dhakayey Gaana oo lagu biilo dalka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.