X

Cudurka hargabka Shiinaha oo lagu feedhay nin Eeshiyaana

Cudurka hargabka Shiinaha oo si aada ugu faafay aduunka reer Galbeedka ayaa hadda gaaray in gacanta layskula tago. Feedhkii ugu horeeyay ayaa Ka dhacay caasimada dalkaasi Beljim ee Brasalis halkaas oo nin I dhashay dalkaasi Ku feedhay ninka Eeshiyaanka ah.


Ninkan Eeshiyaanka oo 24  jjr ah ayaa socday bartamaha magaalada xilli dambe Axadii la soo dhaafay markii lagu feedhay inuu cudurka keenay dalka. Ninka feedhka Ku dhiftey ayaa sheegay inuu uga shikiyay inuu daadinayo cudurka.


Lama garan karo waxa ninkan miskiinka uu dhimey er uu cudurka Ku faafinaayay haddiiba qabo sida hindhiso, qufac iyo wax la mida.

Waxa markiiba booliiska wacay dadkii agtaagnaa ee arkay ninkan aan waxba galabsan ee la feedhay. Booliiska oo narkiiba yimi goobta ayaa jeelka u taxaabay ninkan weerarka gaystey.


Waa dhacdo laga yaabo oo ku qotonta jaahilnimo ayuu yiri Xuseen Warsame. Beljim ayaa Ka mida wadamada ugu xun ee midab nacaybka Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.