X

Ilhaan Cumar oo ka hadashay guurkeeda

Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka ee Ilhaan Cumar ee ninkeedii hore u haysa sadexda caruura ayaa sheegtay inay guursatey. Muuqaal ay dadka la wadaagtey ayay ku sheegtay inay guursatey nin ay siyaasada wadaagaan Isla markaana ah la taliyaheeda. Ninkan ay guursatey ayaa xaaskiisii hore iska furtey.


“Waxaan guursaday nin aan siyaasada wadaagno haddana nolosha wadaageyno, waa barako alxamdulilaah ayay tiri Ilhaan Cumar oo jebisay rikoodhka markii ay noqotey xildhibaanadii ugu horeysay ee Somali ah oo xijaab (masar) ku xidhata golaha Maraykanka. Fiiri sawirka hoose iyada iyo ninkeeda cusub.


Ninkeeda cusub ayaa la aaminsan yahay inuu Muslimay. Mar la weydiiyay sida guurku u dhacay ayaa afhayeen u hadley Ilhaan ku sheegay inuu si quruxbadan oo Islaama u dhacay.


Ninkii hore ee Ilhaan oo isagu u furey kadib markuu arkey inay ninkan Ku xiran tahay ayaa bil iyo maalmo kadib guursaday xaaskale. Fiiri sawirka hoose

Ilhaan Cumar ayaa dareensan in ninkan ay siyaasada wadaagaan ay Isla Jaan qaadi karaan taasina ay ku dooratey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.