Sanadkii hore ayay ahayd markii nin Maraykana uu ka badbaaday cudurka halista ah ee Ibola oo ku dhacay mar uu ka shaqaynayay wadanka uu sida ba’an cudurku u hayo ee Siiraliyoon. Ninkii waxa loo sheegay in cudurku uu ka baxay jirkiisa hadana aanu qabin wax cudura waxase dhacday in muddo kadib ninkii uu xanuusaday oo ishu xanuuntey, baadhitaan kadib ayaa la ogaaday in isha uu ka hayo cudurku.
Muddo sadex bilood kadib waxa lagu guulaystay in ninkii loo soo celiyo arag buuxa ishiina ay soo fiicnaatay taasi oo ay sheegeen dhaqaatiirtu in ay Jiri karaan meelo kale oo jirka ah oo u dulqaata feerasyada oo feerasku ku noolaan karo sida ay sheegeen sida biyaha ninka iyo xataa dheecanada qaar.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in ayna wali jirin baadhitaan saxa oo lagu ogaaday in cudurku wali gali karo oo ku qarsoomi karo meelo kale oo jirka ah, waxayna u sheegeen bukaanada ka daawoobey in ay iska ilaaliyaan galmo toosa in mudo ah amaba isticmaalaan alaabo kale sida caaga loo yaqaan condomka.
Dhaqaatiirta ayaa dhinaca kale leh wali lama hayo in cudurka lagu kala qaadi karo ilmada soo dareerta ee la ogyahay kaliya in taabashada lagu kala qaado.
Si kastaba ha ahaatee waxa laga digayaa in dalalka fiqiirka ah ee ayna jirin dhaqaatiir indheed ay feejignaan galaan xataa haddii la daaweeyo bukaanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay