Masuuliyiinta Shiinaha oo hore u sheegay inay xakameeyeen cudurka Kooro ee dalkooda ka soo bilaabmey markii hore ayaa sheegay in kiisas cusub ay ka soo baxeen suuq ku yaala caasimada. Kiisaska suuqaas ayaa hadda sii kordhey.
”Waxaan ku daba jirnaa dadka suuqaas ka adeegtey dhamaantood haddana meel fiican ayay wax noo marayaan. Inta ka horeysana waxaan albaabada u laabney suuqaas.
Waxa kale oo aan xirney 10 xaafadood oo ka mida caasimada balaadhan. Shiinaha ayaa sheegay in cudurka laga helay midi lagu jarjaro kaluunka oo suuqaasa.
Afartan meelood oo la tijaabiyay oo u dhawaa suuqaas ayaa iyagana laga helay. Aduunka badankiisa ayaa fasaxay in shaqaaluhu dib ugu noqdaan shaqadooda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS