Culimada Suufiyada Somaliya ayaa xiriir la saxiixday Turkiga. Culimadan oo ah kuwii diinta Islaamka dalka keenay ayaa waxa suuqa ka saaray wahaabiyada iyo salafiyiinta Sucuudiga.
Wahaabiyada iyo salafiyiinta oo atgagixiso isticmaalaya ayaa soo faqay culimadii diinta soo gaartsiiyay dadka isla markaana gaaleyay Suufiyada.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga u gudbiyeen Wargeyska Al-dastuur ayaa lagu sheegay in Kaadiriin Sare oo ka socota Machadka Imaam Al-rufacai ee Cilmiga Islaamka ee dalka Turkiga loo soo diri doono Somaliya si ay Koorsooyin uga furaan Jamaacadda Iimaam Shaafici ee Somaliya.
Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalladda Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfaahin kooban ka bixiyey doorka Imaam Al-rufaaci ee Turkiga ee Cilmiga Diinta iyo Arrimaha Ardayda.
Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Dhaqdhaqaaqyadda Cilmiga Suufiyadda ee dalalka Islaamka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay