19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Culimadu waa inay bulshada u iftiimisaa sunta argagixisada shabaab: Farmaajo

Culimadu waa inay bulshada u iftiimisaa sunta iyo dhagarta joogtada ah ee argagixisada shabaab ku hayso dadka Somalida ah e Muslimiinta ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay yaryihiin culimo si toosa uga hadla diinta guracan ee argagixisada ee ku salaysan gaalaynta Muslimiinta kadibna dhiigooda ay xalaashadaan.




Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culimada diinta iyo hormuudka bulshada.

Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”




“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna.

Culimadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta argagixisada Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Culimada Koofurta ayaa inta badan ku mashquulsan khilaaf dhexdooda kaas oo ku salaysan fikradaha diinta ka fog ee laga keenay Carabta.




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS