Gaadiidleyda ayaa fariin cabasho ah u direy siday ku sheegeen Ciroole” Warancade iyo Cadami inay jidgooyada daadsan Boorama ilaa Quljeed qaadaan haddii kale ay Wabar ku biiri doonaan.
Cunaqabatayntan dhinaca dhaqaalaha oo ah mid baahsan ayaa hadda saamaysay gaadiidleydii halka SNM hore u dhigatay jidgooyo ay dadka baxaya ka qaado qofkiiba sodon doolar.
Gaadiidleydan ayaa hadda sheegay in hal gaadhi kaliya baxo usbuucii halka kahor uu bixi jiray ilaa toban gaadhi. Salaadiinta daacada u ah maamulka ayaa iyagu jecel kaliya inay ka hadlaan daacad ayaan u nahay Somaliland.
Waxa kale oo lagu amrey gawaadgidan in ayna qaadin qof reer Adal oo u socda goboladiisa sida Saylac waxana sharci lagu waydiiyaa Jabuutiyaan Quljeed.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS