Waxa maanta diyaarad soo dejisay ku dhawaad 200 oo ciidan oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Somaliyeed oo lagu soo tababaaray dalkaasi Turkiga. Ciidankan oo tababar xooga la siiyay ayaa u babac dhigi kara cadowga gudaha.
Taliyaha ciidanka lugta jeneraal Biixi oo soo dhaweeyay ayaa ka hadlay muhiimada ciidanku u leeyahay dib u dhiska qaranka. ” Ma jiro xilli ciidanku u dhismayo si xawliya aan maanta ahayn ayuu yiri Cali Calasow.
Cutubyadan iyo kuwa kale ee ka soo socda Turkiga ayaa ku biiri doona ciidanka xooga dalka halka kuwo kalana ka soo socdaan Eritariya oo iyagana tababarku u dhow yahay.
Somaliya ayaan u baahneyn in ciidamo loo tababaro waxase u baahan tahay in ciidamada tababaran la qalabeeto si ay argagixisada u baacsadaan dalkana isku furaan.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay