11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

C/Weli Gaas oo wasiirka arimaha dibeda Kiiniya Aamina Maxamed ka codsaday in lagu daro dadka la kulmaya Barack Obama

Madaxweynaha maamulka Puntland prof Cabdiweli Cali Gaas oo dhowaan gaaray dalka Kiiniya ayaa shalay la kulmay Wasiirada arrimaha dibedda Kiiniya Aamina Maxamed, waxaana warar ku dhowdhow kulankaasi ay sheegayaan in Gaas uu dalbaday in lagu daro liiska shaqsiyaad ka qeybgalaya munaasabad ganacsiga Afrika looga hadlayo ee Nairobi oo la filayo in Obama khudbad ka jeedin doono.

Sida wararku sheegayaan Gaas ayaa Aamina weydiistay in xitaa haddii aysan suurta gal ahayn inuu kulanka kaalin muuqda ku yeesho lagu daro dadka dhageysanaya khudbadaha.

Cabdiwelli Gaas ayaa lagu xusuustaa in socdaalkii u dambeeyey ee uu Kiiniya ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry u tegay Nairobi si uu ula kulmo, inkastoo aysan suurtagelin markii isla Wasiirada arrimaha dibedda Kiiniya ay ku wargelisay in caqabad sharci ah ay diideyso kulan ay yeeshaan Xoghaye arrimo dibedeed ka socda dal “Super power” ah & Madaxweyne maamul goboleed, wuxuuna Madaxweyne Cabdiweli Gaas u duulay Muqdisho isaga oo ka mid ahaa madaxdii maamul goboleedyada ee la kulmay Kerry, taasi oo uu suurta geliyey Xasan Sheekh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM