November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Daawo Aserbajaan oo u dhacday difaacyadii Armiiniya

Waxa sii xoogeysanaya dagaalka Aserbajaan uga saarayso dhulkeeda Armiiniya oo Ruushku dabada ku wato laakiin ilaa hadda uu ka maagayo inuu si toosa u taageero. Aserbajaan ayaa guulo badan ka gaartey dagaaladii u dambeeyay.



Inkastoo ayna jirin tuulooyin cusub oo ay la wareegtay Aserbajaan waxayse ku guulaysteen inay cadowga sii durkiyaan ayagoo burburiyay dhamaan difaacii cirka, xilli reer galbeedku ka walaaceen awooda Aserbajaan ee xilligan.

Muuqaalkan hoose wuxu muujinayaa ciidanka xooga dalka ee Aserbajaan oo galay difaacii Armiiniyiinta oo iyagu ka cararay goobta. Waxay goobta ka qaateen hub farabadan iyo gawaadhida ciidanka lagu daadgureeyo.



Aserbajaanta ayaa ku hadla luqada qabiilka Turkiiga taas oo ka dhigan inay boqolkiiba sideetan is-fahmi karaan dadka ku nool Turkiga. Waxase ku jira af-Ruush badan iyo Carabi.

Qabiilka Turkiiga oo u dhigma sida Kushitiga Soomaalida ayaa dega wadamada Soofiyeetkii hore sida Kasakhistaan, Usbakistaan, Kirgistaan, Aserbajaan, Teekminstaan iyo Turkiga.



Hoos ka daawo sida loo burburinayo difaacii Armiiniya oo Aserbajaan ka dhigatey ku toogasho barasho.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS