11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dab khasaare hantiyeed gaystey oo ka dhacay Muqdisho

Dab khasaare hantiyeed gaystey ayaa ka dhacay agagaarka guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Guriga uu dabka ka kacay ayaa gebi ahaanba bas beelay kadib markii uu ka kacay caag batrool ku jiro. Xaafada oo isku rarana awgeed ayaa kooxaha dabdemisku gaari waayeen.

Waxa aakhirkii lagu guulaystay in la demiyo, waxase guriga gaaray khasaare hantiyeed mana jirin Cid wax ku noqotey sida ay ku warameen dadka wax ka demiyay.

Maaha markii ugu horeysay ee magaalada uu ka kaco dab sidana. Muddo 30 kadib welli magaalada ma helin bilicdii iyo haybadii caasimadnimo ee ay lahayd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS