X

Dab xoogan oo ka kacay dooxo u dhow Laascaanood

Dabka oo aan weli la xaqiijiyay waxa dhaliyay ayaa fiidkii caawa ka kacay dooxo u dhow Laascaanood. Dooxadan ayaa ah goob ku fiican daaqsinta kana mida dooxooyinka waaweyn ee gobolku leeyahay.


Sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dabkan xooggan ayaa ka kacay dooxada Ooda-Gooye ilaa haddana lama garanayo waxa kiciyay.


Sida ay ku waramayaan dadka gurmadka ku tagey goobta dabku ka kacay ayaa arkey in dabku sii faafayo haddaan hadda wax laga qabana uu daaqsin badan gubi doono. Jihooyinka uu ku faafayo ayaa badan maadaama dabaylo aan badnayn socdaan ayu yiri goobjooge isku dayaaya inuu baqtiiyo.


”Gudaha magaalada ayaa waxa laga qaban qaabinayaa sidii loo damin lahaa lamana hubo in magaalada uu Jiro dabdemis.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.