08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dabaaldeg ka socda galbeedka XALAB iyo argagixisadii Sucuudiga, Turkiga, Yuhuuda iyo Maraykanka oo si xun u jabay: FAALO

Magaalada koowaad ee ugu weyn dalkaasi Siiriya ee XALAB ama Allepo sida Ingiriisku u yaqaan waxay ahayd magaalo xadaarad weyn leh oo qarniyo Muslimiintu xoreeyeen.

Waxase bariga magaaladaas soo galay argagixisada AKHWAAN MUSLIMIIN oo Erdogan taageero dabayaaqadii sanadii 2013 waxayna isla markiiba barakiciyeen kumanaan reer Siiriya ah waayo waxay dhufeys ka dhigteen guryaha dadkii ay barakiciyeen.

Waxa kadib soo galay koox kale oo iyagana la yiraahdo SALAFIYIIN ama WAHAABIYIIN oo Sucuudigu taageero. Kooxdan ayaa hub badan ka heshay Maraykanka sida gantaalada lagula dagaalamo taangiyada.

Waxayna horumar ka sameeyeen magaalooyin ku yaala bartamaha Siiriya waxayse soo dhaafi waayeen QALCADA weyn ee ku dhextaala XALAB.

Kadib waxa iscun ka dhex bilaabmey labadaas urur diimeed ee AKHWAANKA IYO SALAFIYIINTA oo ay kala taageeraan Turkiga iyo Sucuudiga iyo xulafadiisa.

Kooxdan ayaa mar la baxday magaca ciidanka xorta ah ee Siiriya waxana lagu yiri waxa tihiin Suniyiin ee xoreeya Siiriya kana xoreeya Shiicada.

Waxay ilaaween in dadka ay dilayaan ay yihiinMuslimin walaalahooda dalka ay burburinayaana yahay koodii ee aanu ahayn Sucuudiga iyo Turkiga oo kufsi ku bilaabay dumarkooda.

Gacan ku dhiiglaha Sucuudiga ayaa isna weerar kale oo urur diimeedkiisa DAACISH IYO SALAFI ku hayay Yaman isla xilliga uu SALAFIYIINTA iyo DAACISH uu sOo galiyay Siiriya.

Guusha dalka Siiriya ayaa timi markii Ruushku ogaadey in dalku ku socdo sidii Liibiya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Somaliya wuxuuna dareemay in Siiriya sidaa ku tagin.

Waxa iyana goobta yimi argagixissada Nusra oo Yuhuudu taageerto. Waxase hubaala in markii hore guushu u socotey oo dalkuna burbur ku socdey.

Ruushka ayaa ku hanjabey in uu soo ridayo diyaaradii soo marta hawada Siiriya markii Erdogan oo caawinaya urur diimeedkiisa argagixisada ah ee AKHWAAN uu soo ridey diyaarad.

Maanta waxa shacabka galbeedka XALAB oo weerarada argagixisada ku waayay shacab badan laakiin hadana ay dawladi ka jirto oo quruxdii magaaladu ka muuqato u dagaaldegayaan guusha ka dhacday bariga magaalada.

Yaan been laguu sheegin shacabka dagaaldegaya waa shacabkii SIIRIYA oo gacanku dhiigle Salmaan oo sheegta boqorka Sucuudiga uu rabay in uu u kala qaybiyo Shiico iyo Sunni danihiisana ku fushado iyo Erdogan oo rabay in urur diimeedkiisa AKHWAAN ee argagixisada ah ay isku furtaan SIIRIYA ilaa MASAR.

Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa ka naxsan burburka ku yimi argagixisada DAACISH oo ay dib u soo hubeeyeen soona weeraray magaalada qadiimiga ah ee Palmyra.

_92947921_91acb78b-630f-4ef4-843e-92f3e5a03894[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS