24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dacwad oogaha Maraykanka oo raba in ay dhalashada dib ugala noqdaan Sh Maxamed Idiris: hadaba maxaa lagu haystaa

Sheekh Maxamed Idiris wuxuu ka mid yahay culimada ay Somalida ku nool Maraykanka ay ka dhegeystaan wacyiga ku saabsan diinta..Waa sheekh ka soo baxay Sucuudiga, wuxuuse ka mid yahay culimada sida saxda ah uga hadla fikirka gaalaysiinta ee argagixisada.

Qareenada dawlada Maraykanka ayaa ku doodaya in Sheekhu been ka sheegay dacwadiisa uu ku helay dhalashada dalkaasi taasina ay ku rabaan in laga qaado dhalashada dalkaasi.

Beenta lagu helay sheekha ayay ku sheegeen in ay ku jirto in uu lahaa laba xaas oo aanu sheegin iyo in uu dalka ka dhoofay oo iyadna aanu sheegin. Taas oo ay ku sheegeen in ay tahay mid aan tusaale akhlaaqeed oo fiican aan ahayn. Akhlaaqda runta ah waxay ka mid tahay astaamaha lagu qaato dhalashada Maraykanka.

Dacwada sheekha ayaa la filayaa in la galo bisha aan ku jirno 27-keeda oo ah xilliga laga rabo qareenada dalkaasi in ay gudbiyaan ugu dambeyn.

Somalida Maraykanka oo jeclaaday sida saxda ah ee uu uga hadlo dhiigmiiratada shabaab iyo fikirkooda gaalaysiinta iyo xalaalaynta dhiiga Muslimiinta ayaa u kacay si fiicana u difaacaya una ducaynaya.

Sh Maxamed ayaa sidoo kale sameeyay socdaalo aad u farabadan isagoo ku taga Kiiniya oo ay joogto xaaskiisa labaad iyo Siiriya intii aanu dagaalku dhicin oo uu booqdey wiilkiisa.

Dhinaca kale waxa aad u dhif ah in dhalashada lagala noqdo qof Maraykan ah taas oo ka dhigeysa in Sheekhu guul ka gaadho maadaama waxa lagu haystaa ay tahay qayb xagiisa qaybna dadkii u buuxiyay waraaqaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS