Waxa mardhow ay dawladaha Kiniya iyo Somaliya hortageen dacwada badda Somaliya oo Kiiniya rabto in ay ku darsato dhulkeeda iyadoo hore Ingiriisku u siiyay dhul Somaliyeed.
Kiiniya oo ka faaiideysanaysa burburka dalka iyo dhuniqaateyaasha kolba fadhiya Muqdisho aya isku daydey in ay laaluushto fadhiid Cumar C/rashiid oo hadda ah raiisal wasaaraha, waxase dalka badbaadiyay barlamaankii xilligaa jirey.
Kiiniya ayaa rabta in dacwadan aan la furin oo arinta lagu xaliyo heshiiskii bugta ahaa ee ay la gashay laaluush qaate Cumar C/rashiid oo badda iibsan gaarey.
Maxkamadda ayaa maanta eegaysa in ay furto kiiska dacwada iyo inkale waxayna dhegeysanaysaa waxa labada wadan keenaan miiska, iyadoo ku celisay in arintan lagu dhameeyo heshiiskii ay la gaareen laaluush qaate Cumar C/rashiid.
Afhayeen u hadlay Kiiniya ayaa leh ”Somaliya waxaan la galney heshiis waxayna ahayd in ay heshiiskaa ay la galeen laaluush qaate Cumar C/rashiid in ay ku ekaato”.
Waxa taasi diidey barlamaanka Somaliya. Kiiniya ayaa ogaatey in ayna fursad u lahayn in ay dacwada ku guuleysato.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay