X

Dad gaajo ugu dhintey Somali galbeed maamul xumo awgeed

Wararka aan ka helayno deegaanada Siiti ee Somali galbeed ayaa sheegaya in abaar ay keentay biyo la’aan ay ka dhacday deegaano hoostaga gobolkaas. Waxa laga qaxay deegaano badan oo u dhow goobaha Canfartu soo weerartay.


Barkhad Nuur oo ka waramay abaarta ayaa sheegay inay jiraan dad u dhintey gaajo kadib markii ay waayeen wax ay cunaan, ayadoo maamulku ku fashilmry inuu dadkaas uga hiiliyo abaarta ka jirta ee ay sababtey biyo yaraantu.

”Mamul xumo iyo tabaabusho xumo awgeed ayaa keentay in welli qarnigan dad ugu dhintaan abaaro gobolka Somalida ayuu yiri Xuseen Warsame oo isagu si gaara ula socda xaalada.


”Waa maamul xumo ka timi horjoogaha maamulka ee Mustafe Cagjar ee ku mashquulsan siyaasad ka bedel kana ku bedel ah ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Abaarta ka jirta Somli galbeed ayaa sii xumaan doonta haddii aan wax laga qaban.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.