X

Ciidanka xooga dalka oo jabkii ugu weynaa abid gaarsiiyay argagixisada: SAWIRO

Ciidanka xooga dalka ayaa soo bandhigey meydka 75 ka mida dhiigmiiratada shabaab oo taliyuhu sheegay inayna mardambe ku soo laaban doonin ama soo weerari doonin xero ciidan. Dhiigmiiratada ayaa xasuuqa shacabkeena muddo 12 sano ah.


Warbaahinta qaranka ayaa soo bandhigey meydka 75 ka mida dhiigmiiratada oo wadhan halkii ay uga carareen. Waa jabkii ugu weynaa ee abid la gaarsiiyo dhiigmiiratada, ayadoo nolol lagu qabtey ilaa 7 ka mida.


Taliyaha oo ka hadlay guushan u soo hoyatey ummada Somaliyeed ayuu sheegay in ciidanku isku filan yahay oo hadda hanan karo amniga dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.