X

Dad dano gaara leh oo barakicinaya shacabka Beledweyne: Jeyte

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa qarxiyay in dad dano gaara leh ay barakicinayaan shacabka magaalada, xilli uu sheegay in goobo aan fatahaad ka jirin laga barakayo. Wuxuuna ugu baaqay dadka magaalada inay qaataan amarada dawlada.


“Magaalada markaad dhexmarto waxaad arkaysaa dad farabadan oo gaadiid ku wata alaabtooda, waxaanad is weydiin kartaa halka ay aadayaan xilli ayna jirin wax fatahaada ayuu yiri gudoomiye Cali Jeyte oo qaba in dad dano gaara wata ay barakicinta wadaan.


Dadka ka dambeeya barakicinta ayaa la aaminsan yahay inay rabaan in lala soo gaaro raashin bilaasha oo ka yimaada dawlada dhexe. Waxa jirey barakac is daba socdey maalmihii u dambeeyay.


Beledweyne ayaa sanadahan u dambeeyay ay ka jireen fatahaad uu Keenay webiga Shabeele waxase hadda soo baxay dad is barakicinaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.