X

Dad gadoodey oo dagaal ku qaaday argagixisada gobolka Sh Dhexe

Dagaal faraha looga gubtey ayaa dhexmaray argagixisada iyo dadka deegaanka tuulada Cadalle ee ka tirsan gobolka Sh Dhexe. Argagixisada oo cabaar la wareegay tuulo u dhow Cadalle ayaa qafaashay dad shacaba kadibna gubey hanti dadku lahaayeen.


Maaha markii ugu horeysay ee dadku ka gadoodaan gumeysiga argagixisada ee welli ka jira tuulooyinka ay gacanta ku hayaan ee Shabeelooyinka.

Argagixisada ayaa ka baxay magaalooyinka waaweyn inkastoo magaalada ugu weyn ee ay welli gacanta ku hayaan ay tahay Bu’aale.


Dadka deegaanka ayaa dalbadey gurmad inkastoo markii dambe lala gaaray waase mar ay la baxsadeen dadkii ay qafaasheen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.