X

Marwo Khadiija Diiriye oo shaacisay xilliga la qabanayo tartanka ciyaaraha gobolada

Wasiirka dhalinyarada Marwo Khadiija Diiriye ayaa shaacisay xilliga la qabanayo tartanka ciyaaraha gobolada dalka inta raaliga ka ah dawlada dhexe. Ciyaarahan ayaa markii ugu horeysay muddo 28 sano ah kadib lagu qaban doonaa garoonka weyn ee Stadiyom Muqdisho.


Stadiyom Muqdisho ayaa lagu qaban jirey ciyaaraha xiisaha lahaa ee goboladii Somaliya ee 18-ka ahaa xilligii dawld ugu dambeysay dalka. Ciyaarahaas oo aad loo qaban qaabin jirey ayaa lahaa xiisad gaara.


Hadase waxa ciyaarahan ka qaybgeli doona maamulo magac u yaala oo ay ka mid yihiin Hir Shabeele, Puntland, Koofur Galbeed, Jubba iyo Galmudug.

Marwo Khadiija Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan uu bilaaban doono wajigii Labaad ee dhismaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana dib loo dhigay tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyadda oo lagu waday in la qabto Bishaan, hadase la qaban doono bisha Afraad ee sanadka soo socda.


Sawirka hoose sida uu ahaa garoonka Stadium Muqdisho oo xilligaa ahaa garoonka u casrisan Afrika.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.