November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dad ku geeriyooday Gaarisa oo ka mida gobolka NFD

Dad ku geeriyooday Gaarisa oo ka mida gobolka NFD. Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaari noociisa yahay xamuul uu ka dhacay wadada. Gawaarida ayaa inta badan la buux dhaafiyaa.



Inta la xaqiijiyay 17 qof ayaa ku dhimatay halka tira kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Gaadiidka deg deg ah iyo saraakiisha caafimaadka oo goobta uu falka ka dhacay gaaray, kadibna halkaasi ka qaaday dadkii ay waxyeelada soo gaartay.



Saraakiisha Ciidanka waddooyinka ayaa sheegay in Wadayaasha gaadiidka ay ka faa’ideysanayaan maqnaashaha Ciidanka waddooyinka islamarkaana ay si xad dhaaf ah u kaxeynayaan Gawaarida si ay dhaqsi u tagaan halka ay u socdaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS