X

Dad laga soo badbaadiyay weerarkii bahalnimo ee argagixisada: SAWIRO

Waxa saakadii hore laga soo badbaadiyay dad shacaba oo ku xayirnaa guryo u dhow huteelkii Hillaac iyo Maka Almukarama ee kooxda gaalayntu weerartay xalay. Waxa welli la maqlayaa rasaas ayadoo wararku sheegayaan in argagixisada rasaas ka soo ridaysay guryaha islaameed ee diintu u ogoleyn inay galaan diinlaaweyaashu.


Dadkan shacabka ah ayaan furin ilaa ay argagixusadu ku soo jabisay oo gabaad ka dhigteen gutruyahooda. Dad waayeela oo soo badbaadiyay ayaa ka hadley sida argagixisadu uga soo barakicisay aqaladooda.

Ciidanka baacsanaya argagixusada ayaan geli karin guryaha islaameed waana tan keentay inay ku sii nagaadeen guryahan ay xalaaleysteen dhiigmiiratadu ee weliba rasaasta iyo bambaanada ka so tuurayaan.


“”Waan ka saaraynaa ayuu yiri madaxa hogaaminaya ciidanka waxaanse noogu daran dadkeena halkasn ku jira oo aanan rabin in waxyeelo soo gaarto.

Dawlada ayaa welli ka soo saarin khasaaraha dhabta qaraxyadii xalay oo hordhac ahaan lagu sheegay in dhimashadu tahay 5  halka dhaawacuna yahay 10.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.