X

Kooxda gaalaynta Muslimiinta oo qaraxyo ka bilowdey Muqdisho: wararkii u dambeeyay

Argagixisada gaalaynta Muslimiinta ayaa qaraxyo iyo sidii caadiga ahaa huteel qarxin ka bilowdey Muqdisho. Xasuuqa qaraxyadaan ayaa si rasmi loo sheegi Karin maadaama lagu Jiro xilli habeena.

Argagixisada ayaa qarax dabadeed galay maqaayad ku taal wadada Maka Al Mukarama ee aada madaarka oo lagu magacaabo Hillaac UK, halka huteelka loogu magac daray isla wadada uu burbur xoogan soo gaaray dhinac.

Halka gaari ay cayrsanaayeen ciidanka dawladu ku qarxay meel u dhow Afisiyooni oo ahaan jirtey xero ciidan, marna uu deganaa madaxweynihii u dambeeyay dalka ee Maxamed Siyaad Barre.


Dawlada ayaa markiiba dalbatey ciidankeeda sida aadka u tababaran ee loogu talogalay weerarada fuleynimada ee sidan oo kale ee lagu yaqaan kooxda gaaleynta. Waxayna hawshan u dhiibtey ciidanka Alfa oo hadda ku tooganaya argagixisada maqaayada Hilaac oo welli laga soo qaadin dadkii ay xasuuqeen.

Argagixisada ayaa ku jira dhinaca sare ee maqaayada halka ciidankuna joogaan gudaha hoose, qolqolna u baacsanayaan argagixisada kooxda gaaleynta.


Ilaa hadda waxa socda rasaasta lagu ridayo oo magaalada qaybaha u dhow laga maqlayo. Ma heli karaan gurmad waxayna noqonaysaa in halkaas lagu dilo, ayadoo ay daawanayaan kuwii ku yiri janno ayaa lagu galaa muslimiin dhiigooda la xalaalaysto.

” Maadaama ay ku jiraan maqaaxi luuqyo badan leh soona sahamisteen halka ay galayaan, waxay qaadanaysaa ilaa saacado in la wada qaarajiyo ayuu yiri C/llaahi Calasow oo ka mida daawadeeyasha rasaasta lagu ridayo kooxda gaaleynta.

La soco sida ay ku dhamaato weerarka fuleynimo ee kooxda gaalayntu ku qaadey dadkeena xilli ay iska cawaynaayeen.


C/llahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.