X

Dad magdhow ka dalbaday horjooge Siciid Deni

Kadib markii tobaneeyo in ka badan ay ku baxeen gacanta horjooge Siciid Deni, waxa caadi ah in dadka Somalida ay halkaas ku dhaafaan oo aanu marnaba dhicin isla xisaabtan dhaba. Horjooge Siciid Deni oo diidey amarkii isimada Butlaan ayaa masuul ka ahaa barakicinta boqolaal reer Boosaaso ah iyo dhimashada in ka badan 60 qof ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Mar haddii uu qirtey inuu khalad weyn galay oo ahayd inuu ka baaqsado inuu daadiyo dhiig Muslim haddana dhiig muslim ayuu daadiyay waa gacan ku dhiigle lagu leeyahay magdhow dhamaan wixii dhacay ayay tiri Xaawo Maxamuud oo ehel ku wayday dagaalka.


Magdhow ayaan aniga iyo inta ila mida ka rabnaa dhiigyacab Siciid Deni ayay tiri haddii uu bixin waayo dee waxa jirta maalin laga jari doono ayay raacisay.


Dadka ka barakacay Boosaaso ayaa boqolaala ilaa haddana waxay welli ku rafaadsan yihiin sidii ay noloshooda dib ugu yagleeli lahaayeen. Dhaawaca ayaa helin adeeg fiican oo markii horeba jirinba, waxana qofkasta dhaawiciisa gaystey xaafadiisa.



Cali Mire ayaa isna ehel ku waayay dagaalka ayaa sheegay in laga baaqsan karay hadduu Siciid Deni l]maqli lahaa Isimada sida hadda uu isku dhiibay, waanan uga fadhiyaa in boogta naloo dhayo ayuu yiri.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.