Wararka laga helayo tuulada Balligubadle ee gobolka Hargeysa ayaa sheegaya in ilaa Laba qof ay Ku dhinteen geedo suna oo ay cuneen. Geedahan sunta ah ayaa la sheegay in loo hoosgeliyay beena loogu sheegayninay daawo yihiin kadib markey u tageen in laga daaweeyo Jin.
Waxa kale oo dhacdadaan waxyeelo Ka soo gaartey Sadex kale oo xaaladooda laga deyrinaayo. Sadexda qof ee xaalkoodu xun yahay ayaa la xaqiijay inay dumar yihiin halka labada dhintey yihiin rag.
Maamulka magaalada ayaa kadib la sheegay inay xireen wadaadka goobta leh ee sunta siiyay. Waxa jira dad Ku nool inay been Ka sheegeen khibrada ay u leeyihiin xirfadaha caafimaad.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS