Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garmal ee ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in dadku saaka ku waabariisteen cabsi iyo argagax kadib markay arkeen dhiigmiiradka shabaab oo afka duuban oo dul degan. Kala carar xoogleh ayaa ka dhacay magaalada.
Wararka laga helayo Degaankaasi ayaa sheegaya in dhiigmiiradka oo lagu qiyaasay ilaa 400 ay la wareegeen Gacan ku haynta Degaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal degaankas oo ah Degaan Xeeb leh.
Goobjoogeyaal ayaa noo Xaqiijiyay in dhiigmiiradka qabsaday Garmaal ay wateen Doomo ay ku soo gaareen Degaanka Garmaal Ee hoosyimaada degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ee Puntland.
Wali lama oga argagixisada afka duuban ee qabsaday Garmaal in ay yihiin kuwii ka baxay Garacad iyo kuwo kale balse dadka degaanka Garmaal ayaa cabsi xoogan muujinaya.
Waa markii ugu horeysay oo Shabaab ay gaaraan degaanada Puntland ee ka tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal. Waxayse uGu taloghaleen in ciidamada joogta jiida Galgala halkan u soo wareegaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay