X

Dadka tuuladii lagu diley argagixiskii weynaa ee Albaqdaadi oo hadley

Waxa markii ugu horeysay hadley dadka ku nool tuulada Barisha ee Woqooyi Bari Suuriya halkaas oo xagjir Taram sheegtay inuu ku diley argagixiskii ugu weynaa ee Daacish ee dhibaatada badan u gaystey Muslimiinta.


”Waxaan u qabney mayrax la soohey wuxuuna ku noolaa guri balaaran isaga iyo qoyskiisa. Tuulada uu ku noolaa ayaan waxba ka fogeyn xadka Turkiga. Guriga waxa ku wareegsanaa dhagax shub ah waxna lagama arki karayn.

Waxaad soo xasuusataa gurigii uu ku noolaa Cusaama bin Laadan oo isna ahaa guri weyn laakiin aan la arki karayn cida ku nool loona dhisay sida guryaha Sucuudiga ee laga jeediyo wadada dhaqan ahaantooda.


Waxa markale uu iska bedelay magaca oo waxa looga yaqaanay tuulada Abu Maxamed Alxalabi wuxuuna ka ganacsan jirey dharka ayuu yiri Axmed Barisha oo isagu tuulada ku nool.

Waxaan u qabney qoys soo qaxay maadaama dalka intiisa kale dagaalo ka socdeen ayna jiraan dad sidiisa ah oo soo qaxay. Ciidanka Maraykanka ayaa yimi 12:oo habeenimo waxa na gashay cabsi cid guryahooda ka soo baxdeyna ma jirin ayuu yiri Axmed isagoo wada sida wax u dhaceen.


”Habeenkaas wixii dhaqaaqaba waa la tooganaayay. Haween iyagu ku jira teendho ayaa loo sheegay inay goobta isaga cararaan, waxana sidaas u sheegay askari Af-Carabi ku hadlaaya.

Gurigii argagixisku ku jirey ayaa dhulka lala simey waxana ka haray keliya qolfoof. Xagjir Taram ayaa diidey inuu sii daayo muuqaalka weerarkaas.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.