X

Horjooge Siciid Deni oo xildhibaankii su’aasha weydiiyay raba inuu xilka ka qaado

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaan Ka tirsan golaha wakiilada Butlaan uu fursad u helay inuu su’aal weydiiyo horjooge Siciid oo waqtigiisa inta badan Ku lumiyay safaro iyo khilaafaad. Siciid Deni ayaa warqad u qorey xeer ilaalinta maamulkiisa dalbadeyna in xasaanada laga qaado.


“Waxay muujinaysaa in horjooge Siciid Deni una dulqaad lahayn taasna lagu noqon doonin maamul goboleed dadku si xora ugu moolan karaan ayuu yiri Cali Calasow.

Horjooge Siciid Deni ayaa Ka dalbadey gudoomiyaha olaha wakiilada inuu xasaanada Ka qaado, waxase la sheegayaa hadduu diido in isaga laftiisa laga keeno soo jeedin.


Waa kelitalisnimo aan biyo loo kaban, waxana la sugaa sida wax u dhacaan taas oo noqon doonta wax isaga kago’an ayuu raaciyay Cali Calasow.

Xildhibaano gaaraya 38 ayaa kulan Ka yeeshay arintan waxayna rabaan in Siciid Deni iyo xeer ilaaliyehiisa loo yeero si su’aalo loo weydiiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.