November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dadkii ku dhintay Sambiya oo xaqiijin dheer kadib la ogaaday inaysan Soomaali ahayn hadaba maxaa qaldamay

Tahriibayaal maalmo ka hor ku dhintay konteynarka gaari xamuul ah oo lagu qariyey wadanka Sambiya ayaa waxaa la soo xaqiijyey ineysan Soomaali aheyn.

Dadkan oo tiradooda lagu sheegay 19 ruux ayaa dhintay markii ay ku neef qabatimeen kontaynarka saarnaa gaarigan xamuulka ah oo lagu xiray si loogu qariyo, waxaana gaarigan uu ka baxay dalka Tanzania, waxaana la doonayey in qaab qarsoodi ah lagu geliyo wadanka Sambiya.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Sambiya ayaa markii hore qoray in dadkan dhintay ay Soomaali ahaayeen balse xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sambiya ayaa arintaas beeniyey.

Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah masuuliyiinta jaaliyada Soomaalida Sambiya ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ka dib ay ku ogaadeen in dadkaas dhintay ay ahaayeen Itoobiyaan.

“Anagoo guddi isxilqaamay oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalidaa ee Sambia ayaa waxaan booqanay meydadka dadkan ku dhintay kontaynerka muuqaalkooda Soomaali noolama ekeyn, waxaa arrintaas noo sii cadeeyey markii aan aragnay magacyadooda oo dowlada Sambia ay noo soo gudbisay, xitaa hal qof oo magac Soomaaliyeed wata kuma jiro, dhamaantood waxay ahayaeen dad Itoobiyaan ah” ayuu yiri Maxamed C/llaahi.

Waxaa uu intaa ku daray in liiska magacyada dadkan dhintay laga soo helay warqado lagu qoray magacyadooda oo uu hayey darawalka waday gaariga meydadkooda laga soo saaray oo haatan u xiran Booliska, wuxuuna intaa ku daray in sababta markii hore Sooomaali loogu maleeyey ay aheyd iyadoo Soomaalida iyo Itoobiyaanka ay isku yara egyihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS