Dadweynaha ku nool magaalada Manjister ee Ingiriiska ayaa wacdaro xalay dhigey isqarxintii tiyaaretka kadib halkaas oo argagixisadu ku xasuuqdey dad gaaraya ilaa 22 qof halka dhaawacuna marayo ku dhawaad lixdan.
Dadka goobta isugu yimi ayaa ahaa dhalinyar iyo caruur da’doodu u dhaxayso 8 ilaa 22 jir, waxana goobta ka heesaysay gabadh Maraykana oo dhalintu aad u dhegeystaan una daawadaan oo tigidhada xilli hore goosteen.
Ninkan is qarxiyay oo sirdoonka Ingiriisku sheegeen in ay ogaayeen nooca qof ee uu yahay ayaa ku beegay xilligii waalidiintu soo dooneen caruurtooda. Waxa lagu soo xirey masaabiir oo uu isku qarxiyay.
Kadib waxa dhacay jahwareer taas oo kala lumisay waalidiintii u timi caruurtooda in ay kaxaystaan iyo dhalintii iyaguna soo baxayay mana jirin cid dadka kala hagta.
Dhalinta iyo caruurta u yimi goobta in ay daawadaan heesaaga Maraykanka ayaan intooda badan haysan lacag ay guryaha ku tagaan ama tagaasi ku raacaan. Waxa markiiba dadka reer Manjister bilaabeen fariimaha baraha bulshada.
Fariin aad loo akhriyay ayaa ahayd qofkii raba meel uu seexdo iyo shaah kulul anaa u haya. Fariintaas oo dadweynaha magaalada badankooda ka qayb qaateen in ay martigeliyaan dadkooda dhaawacmey ama lunsan iyo kuwa aan haysan lacag.
Tagaasida Muslimiinta ayaa bilaabay in ay iyaguna bilaa lacag ku qaadaan dadka guryahoodana geeyaan halka goobaha caabudka ee Siikha ayaguna ku dhiiradeen in ay bixiyaan cunto kulul.
Talaabadan ayaa isku keentay dadkii magaalada halkii argagixisadu rabtey in ay isku diraan taas oo keeni kartey in dad cadhaysani weeraraan Muslimiinta iyo dadka aan cadaanka ahaynba.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay