X

Dagaal aan la galno Soomaaliya haba sheegin kala jarna hadalkeed daa: Cabi Axmed

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed oo gartay inuu bad galay ayaa sheegay inayna dan ugu jirin dagaal uu la galo Somaliya oo uu ku tilmaamay inuu yahay dal ay walaalo yihiiin, jaar yihiin, dadna isaga dhow yihiin.



Wuxuu intaas raaciyay inaan Itoobiya marnaba lagu xaman karin inay ka shaqaynayso kala goynta dalka ee dhab ahaantii ay tahay isaga kii ka shaqaeeyay in madaxweyne Farmaajo iyo horjooge Muuse Biixi ay dhameeyaan arinta.
Wuxuu sidoo kale ku faanay in Itooobiya u hurtay dhiigeeda badbaadinta dalka. Wuxuu ka gaabsaday inuu si toosa uga hadlo qaladka weyn ee uu la galay horjooge Muuse Biixi, wuxuuna u muuqdaa inuu hadda leeyahay arinta inoo dejiya idinkuma soo socdee.



Waxase ilaa hadda ka maqan inuu gebi ahaanba cadeeyo inuu meesha ka saaro inaan waxba ka jirin heshiis beenaadkii uu la galay maamul jufeedka sii burburiya ee horjooge Muuse Biixi oo ahaa weerar qaawan oo ka dhana qaranimada, isagoo u adeegaya cadowga qaranka. Si kastaba ha ahaatee waxa la ogaan doonaa maalmaha soo socda inuu raaligelin buuxda ka bixiyo ama uu gebi ahaanba laalo qaladka uu ka galay qaranka.



Cabi Axmed ayaa arinta sii xumeeyay markii uu Addis Ababa ugu yeeray wasiir ka tirsan maamul jufeedka Muuse Biixi una balan qaaday inuu hubeyn doono, taas oo haddii uu ku dhaqaaqo soo dedejin karta, talaabo ay qaado Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Cabi Axmed ayaa u muuqda inuu diyaar u yahay inuu iska dhameeyo khilaafka uu abuuray, iskuna dayo inuu dib u helo taageerada uu ka haystay ummada Soomaaliyeed xitaa.

Maxamed Xaamud

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.