X

Tiirarka salaada ee hadaanad iska hubin ayna salaadaadu jirin

Tiirka salaada oo aad qalado salaadaadu waa kakac

Salaadu waxay leedahay tiirar aan laga gudbi karin, haddii aad ka gudubtana ay tahay inaad salaada ku celiso, haddii kale waxba kama jiraan.

Marka hore shuruudaha inta aan u gudbin tiirarka aan laga gudbi Karin.



Waysadu waa shuruud aan laga gudbi karin, la’aanted salaad ansax maaha marka laga yimaado waa inaad ogtahay kolba salaada aad tukaayso. Inta aad iska taagto ma xidhanaysid, markaa niyada ka ogow kolba salaada aad tukanayso, hadday duhur tahay iwm. Haddaad casar xidhato adoo dhexda kaga jira niyada ma bedeli kartid oo ma dhihi kartid waxaan tukanayaa Maqrib.

Haddaba tiirarka salaadu waa 13 ee hoos ka akhriso.

  • Niyada ka xidho kana ogow salaada aad tukanayso ee taagan adoo qibladu kuu saxan tahay.
  • Adoo sarajooga hadaad awoodo xiro salaada adoo dhahaya Allahu Akbar. Allaahu Akbar la’aanteed salaad kuuma xirna.
  • Akhri suuratul faatixa. La’aanteed salaadaadu ma jirto.
  • Rukuuc ama foorarsi adigoo baabacada ku haya jilbaha ama waxyar ka sareeya. Isku day rukuuc siman laakiin qasab maaha
  • Ka soo kac rukuuc kadibna taagnow oo dhabarkaaga toosi. Iska ilaali inaad isla markaaba sujuud toos u gasho ama adiga oo aan si fiican u sarajoogsan aad sujuud aado. Ka waran hadii lagu yiraa sarajoog haka nuuxsan oo lagu amro, maxaa ka fiican adoo RABIGAA horjooga inaad taagni qurux badan aad taagnaato.
  • Aad sujuud. Kadibna waa in aad ka sujuudaa 7-da meelood ee laga sujuudo ayagoo dhamaan xubnahaasi u jeedaan qiblada sida fooda ilaa sanka, labada baabaco ee gacmaha, labada jilbood, iyo shanta suul ee lugaha. Iska ilaali inay shantaa suul dhinac kale u jeedaan ama jiifaan. Sujuuda halagu raaxaysto waayo waa xilliga aad ugu dhowdahay RABIGAA ee aad ducaysan karto.
  • Ka soo kac sujuuda kadibna ku naso fadhiga u dhexeeya labada sujuudood sida taagnida aad ugu nasatay markaad rukuucda ka soo kacday. Dad waxa jira ayagoon si fiicanba u fadhiisan ama u sarajoogsan hore ka aada sujuud.
  • Ku noqo sujuud markale kuna naso adoo sideeda meelood eel aga sujuudo hubinaya inaad ka sujuuday.. Jidhkaa u baahan inuu RABIGII raali ka noqdo.
  • Ka soo kac sujuud oo si fiican u sarajoogso.
  • Inaadan qaybaha salaada sida rukuuc, ka soo kicida, sujuuda, fadhiga u dhexeeya labada sujuud, aanad dedejin ee qayb kasta aad waqti siiso ama ku nasato.
  • Atixiyaadka ugu dambeeya maaha atixiyaadka dhexe waa inaad u fadhiisato oo aad akhrido salaana u dirto rasuulka scw scw adoo leh Allaahu musali calaa Maxamed. Culimada qaar ayaa qaba inay tahay sunnah.
  • In aad dhamaan ficilada salaada kor u xusan aad u samaysaa siday u kala horeeyaan.
  • Inaad tiraa salaamu calaykum waraxma tulah.



Waxa iayna jirta waajibaadka Salad aiyo Sunaha salaada. Waajibaadka salaada sida inaad akhrido Subxaana rabiyal cadiim wabixamdihii iyaguna waa gooni laakiin maaha tiir hadada ka tagto slaadaada eber tahay laakiin ay kugu waajibayso hadada ilowday inaad dhinaca dambe ka raaciso laba sujuud oo ilowsha ah.

Allaha nagu anfaco.

C/llaahi Warhaye


admin:

This website uses cookies.