X

Dagaal dhexmaray ciidamo hal qabiila oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamo uu wato wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa ka bilowday galbeedka magaalada Damalla-xagare ee Koonfurta gobolka Sanaag.


Ilaa hada waxa la xaqiijay dhimashada hal qof iyo mid dhaawaca sida uu goobjooge u waramay saxaafada. Lama sheegin sida dhimashada iyo dhaawaca u kala gaaray labada dhinac.

Wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo dhowaan Somaliland Qaybo kamid ah Gobolka Sanaag gaysay Ciidamo kala duwan oo ay diyaariyeen siyaasiyiinta Sanaag.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa maalmahan booqanayey magaalooyinka gobolka Sanaag oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.


Ciidamada is weeraray ayaa labaduba ka soo jeeda gobolka Sanaag iskuna hayba laakiin kala taabacsan labada maamul jufeed. Muuse Biixi ayaa sheegay inuu sii daynayo dhalintii lagu kala qabsaday dagaalkii Tukaraq.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.