X

Sababta Dawladda Somaliya Jawaab u siin wayday Kiiniya oo la Ogaaday!!

Dawladda Kiiniya ayaa mudooyinkii dambe bilowdey culayso ay saarayso dadka Soomaallida ee ku nool dhulkooda Kiiniya iyo Soomaalida ku nool xad beenaadka. Taas oo ay dheertahay xanibaadyo ay ku soo rogtey SSoomaalidu u kala gooshaysa labada dal.


Qorshaha Kiiniya ay ka doonayso Arinta ayaa la sheegay inuu yahay “Inay Soomaaliya ka doonayso Jawaab lamid ah Falalka ay samaysay ” Taasi oo keenaysa inuu Xumaado Xidhiidhka labada dal, Islamarkaana lasoo dhex galo, Iyadoona markaasi kadib ay u badan tahay in Arintaasi ay Saamayn ku yeelato Kiiska badda, oo dib loo dhigo “.


Kiiniya waxay Horay u jartay Xidhiidhka labada dal, waxayna u yeedhatay Safiirkeedii, Iyadoona Safiirkii Somaliya uu Muqdisho ku Noqday, Xiligaasi Soomaaliya waxay ka bixisay Jawaab si fiican looga Fiirsaday, Taasi oo Kiiniya ku noqotay dhirbaaxo diblumaasiyadeed, Islamarkaana waxaa dib u soo Noqday Xidhiidhkii Labada dal inkastoo aanu ahayn mid caadiya.

Maxaa markale dib soo cusboonaadey

Kiiniya waxay dhowaan Joojisay Duulimaadkii Tooska ahaa ee Nayroobi iyo Muqdisho, Iyadoona ku sheegtay Sabab Amni, waxaana la ogsoon yahay in Garoonka Muqdisho uu kamid yahay kuwa Amniga badan Caalamka.


Kiiniya waxay Joojisay inay dal-kugalka garoonka ka qaataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda maamulada oo markii hore ka qaadan jiray, waxaana Muqdisho dib loogu soo celiyey Masuuliyiin garoonka lagu Xanibay.

Maanta sidoo kale waxay Kiiniya Baadhitaan ku bilowday Qaar kamid Xawaadalaha Soomaalida ee Xaafada islii, Sidoo kale waxaa la sheegay in la hakiyey Deganaansho loo saari jiray Baasaboorka Soomaaliga Dadka Soomaaliyeed, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.


Waxay isku dayaysaa inay xiriir la yeelato maamul jufeedyada dalka ka jira ayadoo wufuudyo u dirta. Taas waa la ogyahay danaha ay ka leedahay maadaama ay Nayroobi uga yeerato.

Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu Bogaadinayaa siday u Fahamtay, Boodh isku Qariska ay Waddo Kiiniya oo damac xoogan uga jiro Qaybo kamid ah badda Soomaaliya.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.