Wararka naga soo gaadhaya Khaatumo ayaa sheegaya in saaka dagaal ka dhacay xarunta gobolka ee Laascaanood qaasatan madaarka lagu dilay madaxweyne ku xigeenka Khaatumo walaalkiis.
Axmed Cagaluule ayaa sida la sheegay joogey madaarka markii halkaasi uu yimi qaad u kireysan Ina afdiinle iyo Ina Jabuutaawi.
Wararka ayaa intaa ku sii daraya in rasaastu ka bilaabatay muran dhexmaray labada qaad wale kadibna ay goobtaas dagaal ka bilaabeen maleeshiyaadka maamulka Hargasa oo goobta ku sugnaa,waxaana dhintay laba ruux inta la ogyahay mid kamida maleeshiyaadka maamulka Hargaysa iyo ruux shacab ah.
Xaalada magaalada Laascaanood ayaa xalkeedu kor u kacay inkastoo hadda la soo sheegayo in ay degan tahay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay