November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dagaal ka qarxay Gaalkacayo una dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Galmudug kaasi oo hadda ka socda dhinaca Koonfur Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa hadda sii xoogeystay waxaana lasoo dheegayaa in labada dhinac ay soo kala gaaren ciidamo gurmad ah oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka socda.

Mid kamid ah Saraakiisha maamulka Puntland ee dagaalka hogaamineysa ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka uu yahay mid marba dhinac u xoogeysanaaya.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in labada ciidan ay soo kala gaaren gurmad, waxa uuna tilmaamay in hadda khasaaraha uu maraayo dhimashada 8 kamid ah ciidamada labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhintay ilaa 4 ruux oo shacab ah kuwaasi oo qax ka ahaa dagaalka.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu kor u dhaafaayo ilaa 11 kuwaasi oo iyana u badan ciidamada labada dhinac.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay Hoobiyayaal ku garaacayaan qeybaha ay degan yihiin dadka shacabka ah, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada Puntland ay ku urureen difaac.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay inay adag tahay in la kala dhexgalo labada ciidan, hayeeshee ay dhowr jeer isku dayaan hakinta dagaalka balse aysan u saamixin.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ku bilowdey MAXJAR ay Puntland ka dhisayso dhinaca Koofureed ee magaalada kaas oo ay doonaysa in lagu kala wareejo xoolaha ka imanaya Koofurta taas oo muuqata in Galmudug lagala tashan. Ma jiro war ka soo baxay Gaas iyo Guuleed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS