Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud gaar ahan xadka Gobolkaasi uu la wadaago Itoobiya ayaa sheegaya inuu Saaka dib u Qarxay Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo koox dabley ah oo halkaa ku nool.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Ciidanka Liyuu Boolis ay Weerar ku qaadeen koox dabley oo joogey Meel u dhaw Degaanka Miir-cowleed ee Gobolka galgaduud.
Rasaas Goos goos ah ayaa laga maqlayaa halkaa,waxaana sidoo kale Labada dhinac ay kala helayaan Gurmad. Deegaanka ayaa ah deegaan ay joogaan koox dabley o ka mida ururka argagixisada shabaab.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo ka baxay Magaalada Gaalkacyo ay degaanadasi gaareen, inkastoo aan wararkaas wali la xaqiijin.
Dagaalkaan ayaa shalay halkaa ka qarxay,waxaana uu yimid kadib markii Dadka ka soo jeeda Dhanka Galmudug ee la dagaalamaya Ciidanka Liyuu Boolis lagu amray in ay Degaanadaas ka guuraan.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay