X

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay Gaalkacayo iyo waxa sababay

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay Gaalkacayo. Dagaalka oo gaystey khasaare ayaa wuxuu ka qarxay bartamaha suuqa magaaladawaxana uu u dhexeeyay laba maleeshiyo jufeed.

Ka hor dagaalka ayaa la sheegay in askari kuwa Canshuurta qaada ah uu dilay qof rayid ah taas oo dhalisay in laba maleeshiyo oo ka kala socda Puntland iyo Galmudug ay wada dagaalamaan.



Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa laba ruux, waxana markii damne soo dhexgalay ciidanka dawlada ee dhawaan la geeyay goobta.



Gaalkacayo ayaa can ku noqotey is dil foolxun oo marna ay gaystaan maamul jufeedyada ka jira magaalada marna ay gaystaan argagixisada oo iyagu fuliya dilal qorsheysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.